Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dal caan ah oo bilaabay xeelad yaab leh oo lagu ogaanayo dadka qaba COVID-19

Booliska dalka Chile ayaa bilaabay in eeyo ay u tababaraan sidii ay u urin lahaayeen dadka qaba cudurka Covid-19, arrintaaso la yaab noqotay, dad badan ay su’aalo ka keeneen.

Qorshaha ayaa ah in marka la gaaro bisha Agosto in eeyaha la geeyo goobaha laga raaco tareenada iyo garoomada diyaaradaha si ay u uriyaan dadka qaba cudurka isla markaana loo ogaado.

Sidoo kale, waxaa tijaabadan bilaabay ha’yad samafal ah oo fadhigeedu yahay UK taasoo sheegtay in haatan ay tijaabadu meel wanaagsan u mareyso.

Eeyaha wax uriyo ayaa loo adeegsadaa howlgallada ka dhanka ah daroogada iyo qaraxyada iyo sidoo kale baadi goobka dadka lagu raad joogom, lama oga natiijada ka soo bixi doonta eeyaha loo adeegsanayo iney cadeeyaan dadka qaba COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Booliiska oo goordhaw fashiliyay qarax lasoo dhigay laami kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Kooxda Macawiisley oo shaacisay in hub iyo gaadiid dagaal saakay ka qabsadeen Al Shabaab

Cabdi Cade

Boqor Buurmadow iyo Xubno la socday oo Raali gelin u tagay Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---