Ku dhowaad Boqol Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia ayaa haatan ku sugan Villa Soomaaliya iyago kulan la leh Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaanadan ayaa la sheegay iney Madaxweynaha ka doonayaan inuu u caddeeyo sababta keeneysa in sharciga doorashada la laalo oo Dowlad Goboleedyadu ay keenaan qaabkii doorashada loo qaban lahaa iyo mowqifkiisa arrintaas ku wajahan, waxayna markii horeba xildhibaanadan ahaayeen kuwo taageersan siyaasada Villa Somalia.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xili maanta Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo ka hadlayay kulankii Golaha Shacabka uu tilmaamay in doorasho dadban ay ka dhalan karto dhibaato dhanka amniga ah, loona baahan yahay in la aado doorasho toos ah.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dalku uu leeyahay sharci doorasho, ayna muhiim tahay in la raaco habraacyada ku qoran sharciga.
“Xilliga doorashada dadban ee 2016-kii la aadayay wadankan sharci doorasho ma lahayn, Wadanka hadda waxa u leeyahay sharci doorasho oo Baarlamaanku ansixiyay, Madaxweynuhuna saxiisay, meel ay ku qorantahay doorasho dadban in la aadayo ma jirto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.
Guddoomiye Maxamed Mursal mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada ayuu sheegay in golaha Shacabka uu xaq u leeyahay dhameystirka sharciyada doorashada, isagoo xusay in dowlad goboleedyada aysan xaq u lahayn diyaarinta sharciyo doorasho oo dalka ka dhacda.
War murtiyeed ka soo baxay shirkii madaxda dowlad goboleedyada ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ayey ku sheegeen ineysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah iyagoo xusay in loo baahan yahay in dalka laga qabto doorasho aan sababin in xili loogu daro madaxda talada heysa, taasoo loo fasiray iney tahay qabashada doorasho dadban oo la mid ah tii dalka ka dhacday 2016.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com