Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo soo saaray digniin cusub (Akhriso)

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah Propagaanda-da Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020, kaasoo dalka ka bilaabandoona 18-July-2020.

Sida ay sheegtay Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre, waxaa sanadkaan Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2019/2020 u fadhiisan doona in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu Soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard-8) 11/July/2020 & Dugsi sare 18-July-2020.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney u diyaariyeen 2000 oo xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Askar sugta Amniga goobaha imtixaanada, Ilaalinta geedi socodka imtixaanada iyo daabulaada imtixaanka.

“Hadaba, iyadoo aad looga taxadaray Badqabka imtixaanaadka sanadkan, ayaa waxaa jiri kara dacaayado iyo Qalqal lagu abuuro Waalidiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed, waxaan Digniin adag gaarsiinaynaa qof walba oo isku daya inuu abuuro qalqal Imtixaan, iyadoo Hadaba aan qaarkood gacanta ku hayno” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska

Sidoo kale taliska Booliska ayaa ka codsaday dadweynaha in cidii la kulanta dad qalqal gelintaas sameynaya iney soo gaarsiiyaan Ciidanka Booliiska oo howshaas gacanta ku haya, ayna soo wacaan Number-ka 991 ama Baraha Bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharixiinta oo ku baaqay in Farmaajo loo aqoonsado qaswade (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Amray in la joojiyo iibinta Buugaagta Manhajka Dugsiyada sare ee Puntland

Cabdi Cade

DF & Q/Midoobay oo Guddi u Magacaabay arrin hadal heyn dhalisay

Caydiid Ali