Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda Garoowe kusoo dhoweeyey wefti ay kala hogaaminayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug oo ka qayb-gelidoona Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee Puntland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.
Soo dhoweynta weftiga Madaxweynaha Jubbaland iyo Galmudug waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.