Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madaxda maamul goboleedyada oo kusii jeeda Garawe 

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa lagu wadaa in ay tagaan magaalada Garawe ee caasimada Puntland.

Kheyre iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaa magaalada Garawe u tagaya si ay uga qeyb galaan aas magaaladaasi loogu sameenayo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Yusuf.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa shalay u duulay magaalada Garawe si uu uga sii hormaro madaxda kala duwan ee magaaladaasi u tageysa aaska loo sameenayo masuuliyiinta hore.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaana aaska kadib kusoo laaban doona magaalada Dhuusomareeb uu ka furmayo wajiga labaad ee shirka ay isugu imaanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Muslim ah oo fasaxay cabista Khamriga iyo in diinta Islaamka laga bixi karo

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo kusii jeeda Dhuuso Mareeb iyo xog ku aadan u jeedka safarkiisa

Cabdi Cade

DEG DEG: Fahad Yaasiin oo jawaab ka bixiyey amarkii ka soo baxay Raisul Wasaare Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---