Allbanaadir.com
NEWS

Sidii Yeyda nalaku soo yaacyee War Soomaaliyeey yur meyska Dhahnaa !!

Waxaa suura gal ah, jiilka dhexe iyo kuwa soo koraayaba, in aysan garaneyn wax la yiraado “Yey”, sidaa darteed aan idiin jilciyee, Yeydu waa nooc aan cawska cunin ee dhiig iyo hilib ku nool ah oo koox koox u socota noolaha ay helaanna isaga oo ordaaya ceyriinka ku dhammeysta, sidaa awgeed, haatan innaga, ayey seeftu na dul saaran tahay oo ay Yeydu weerar nagu soo tahay ee dalka ma difaacannaa, mise innaga, ayaa is fiir fiirsanna oo qabyaaladda isku sii colaadinna, si ay maamul goboleedyada iyo madaxwenayaashu u sii bataan ilaa heer degmo iyo tuulo!?

Bal ila arka sida uu dhulka Soomaaliyeed uu faraha uga sii baxayo. 1884kii, heshiiskii Berlin, ayey Itoobiya saami ahaan ugu qaadatay dhulkii la dhihi jiray “Howd” oo maanta ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida, sidoo kale Keenya, ayaa iyaduna wax ay ugu yeertay “Heshiis is af garasho ku hantisay dhulka Soomaaliyeed la yiraahdo ( N. F. D )”.

Dhulalkaasi dadka Soomaaliyeed, waxaadba mooddaa, in ay iska illaaween ama ay ka sabreen oo uusan laabtooduba ku jirin, balse, waxaa hadda dib u soo xusuusinaya damaca cusub ee ay la yimideen deriskeenna yeyda ah ee kolba meel naga goosanaya.

Keenya oo illowsan, in ay dhul hore si xaaraan ah ku heysato, ayaa haddana intey soo durugtay shan kiiloo mitir oo gudaha ah derbi ku oodaneysa iyada oo weliba uu damaceedu yahay, in ay baddana ku darsato, iyada oo rabta sidii dhulka ( N.F.D ) in ay heshiis is af garasho mar labaad ku qaadato, kaasi oo ah daandaansi xadkiisii soo dhaafay, su’aashuse waxa ay tahay “War gurigan barwaaqeysan rag ma joogo miyaa, aaway dadkii dhaxalkiisa lahaa ee ilaashan lahaa?”

Dhanka kale, laba cadow kuu ma kala roonee, Itoobiya, ayaa iyaduna mar kale uu soo galay damac dhuleed, sida uu xildhibaan baarlamaanka ka tirsan uu sheegay, waxa ay 18 kiiloo mitir oo gudaha dalkeenna ah ay calankeeda ka taagatay weliba si awood ah, maxaa yeelay, waxaan muuqan cid yac ka tiraahda, wasaaraddeenna gaashaandhigguna codkeeda ma maqalno, sidaa darteed, waddaniyoow maxaa kuu tala ah, maxaase tallaaba ah oo aad qaadi kartaa?

Sidii Yey nala ku soo yaacyee

Miyeynaan yur oran kareyn

Bahalladan yaryare

Yaabiska nagu boobay?.

W/Q Alfanaan Bashiir Cali Xuseen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo tijaabineysa in Dhiiga cad lagu daweyn karo dadka qaba Caronavirus

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo goordhaw la kulmay Saraakiisha Amaanka amarna siiyay

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Xildhibaan Mahad Salaad loo magacaabay Taliyaha ciidamada NISA ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---