Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan caawa dhexmaray RW Khayre iyo Madaxda D/Goboleedyada qaarkood

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Dhuusamareeb kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland.

Waxaa kulanka caawa ka maqnaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo galabta kulan gaar ah la yeeshay Khayre iyo Madaxweynaha Puntland oo saaka ku laabtay Garoowe.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaaraha ku dhexmara, kaddib shirkoodii Sabtidii war murtiyeedka laga soo saaray.

Waxyaabaha kulankan xiisaha gaarka ah u yeelay ayaa waxaa ka mid ah RW Kheyre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo si fool ka fool ah isku soo hor fariistay tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii Golaha Wasiirada Somalia ay sharci darro kaga dhigeen dib u doorashadiisii, inkasoo DF sheegtay dhowaan iney Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweyne KMG ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirro katirsan Xukuumadda Deni kana soo jeeda Dhulbahante oo bayaan soo saaray

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo la kulmay Dhalinyaro ka qeyb qaadatay Olalihiisa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay in isbadalka cimilada ee dalka ka jira halis ku tahay amniga Qaranka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---