Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khayre oo gaaray Dhuusamareeb iyo madaxda D/Goboleedyada oo soo dhoweeyey

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Waxaa si wadajir ah ay garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Jubbaland Axmed Madoobe, Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Deni ka tagay Garoowe ka hor inta uusan gaarin RW Khayre, isagoo ku laabtay Garoowe si uu uga qeyb galo aaska RW hore ee Somalia Xasan Abshir iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo maalmo ka geeriyooday isagoo ka dibna ku soo laaban doona Garowe.

Raisul Wasaare Khayre ayaa ka qeyb geli doona wejidga labaad ee shirka DF iyo dowlad goboleedyada ee halkaas ka furmaya dhowaan kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyadoo Madaweyne Farmaajo uu ku biirayo shirkaas maalmaha so socda sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muslimiinta kunool Japan oo laba-jibbaar kordhay iyo Masaajid badan oo la dhisay

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo digniin culus ka soo saartay doorashada beri ka dhaceysa Kismaayo (Akhriso)

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo si lama filaan ah uga laabtay go’aan adag oo uu dhowaan shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---