Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo ka tagay Dhuusamareeb, kuna laabatay Garoowe (Sababta)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe.

Deni ayaa la sheegay inuu Garoowe kaga qeyb galayo aaska iyo maamuuska loo sameynayo Raisul Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo maalmo ka hor geeriyooday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Deni uu ku soo laaban doono Dhuusamareeb marka la soo gebagebeeyo aaska loo sameynayo masuuliyiinta geeriyootay, si uu uga qeyb galo wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb.

Dhinaca kale, Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu horkacayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shirka DF iyo dowlad goboleedyada ee halkaas ka furmaya dhowaan kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyadoo Madaweyne Farmaajo uu ku biirayo shirkaas maalmaha so socda sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Masoud oo shaaciyay hadal ka farxiyay Xamaas

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Mid kamid ah Kaamirooyinkii saakay lagu qarxiyay Muqdisho

Cabdi Cade

Musharax diiday natiijadii lagu dhawaaqi lahaa ee doorashada Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---