Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo iyo Khayre oo go’aan ka qaatay casuumadii ka timid Madaxda dowlad goboleedyada

Sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb maalmaha soo socda.

Labada masuul ayaa aqbalay martiqaadkii Madaxda dowlad goboleedyada oo ahaa in Shir la isugu yimaado Dhuusamareeb, si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka, kaasoo qeyb ka ahaa qodobadii ku xusnaa war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayey warar qaarkood sheegayaan inuu maalinta beri ah u ambabaxayo magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Madaxweyne Farmaajo oo maalmo kooban ka dambeyn doono.

Madaxweynaha Puntland ayaa Garoowe ku laabanaya si uu uga qeyb galo Aaska Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Abshir, isagoo ka dibna ku soo laaban doona magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas sii joogi doona madaxda kale ee dowlad goboleedyada si ay uga qeyb galaan wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heyadda IFRAH Foundation oo Kismaayo ka bilowday Olole ka dhan ah gudniinka gabdhaha

Caydiid Ali

Ciidamada Liyuu Booliis oo gacanta ku dhigay Xubno katirsan Al Shabaabkii weeraray

Cabdi Cade

Madaxweyne Putin iyo Erdogan oo ku heshiiyay in Soomaali loo diro qamadi lacag la’aan ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---