Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Odowaa oo ka hadlay qarax maanta lagu weeraray kolonyo uu la socday

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay qarax ismiidaamiin ah oo lala beegsaday kolonyo uu la socday oo marayey agagaaarka isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho.

Qofka isqarxiyay ayaa watay gaari noociisu yahay Saaruf oo waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey, ayaa isku dayey inuu dhexgalo kolanyada Ilaalada u ah taliyaha balse markii uu diiday inuu ka istaago digniin ay siiyeen ciidamada ayaa rasaas lagu furay kadibna halkaas ku qarxay sida laga soo xigtay saraakiil ciidan

Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo qaraxa ka dib la hadlay warbaahnta dowlada ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa isaga balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen.

“Argagaxisada ayaa soo qaaday weerar fuleynimo oo la doonayey in aniga la igu qaarajiyo balse ILAAHAY mahadii waan ka badbaaday, weerarada noocan ah nagama joojinayaan inaan sii wadno howlaha aan Qaranka u heyno, intii ku shahiiday ILAAHAY ha u naxariisto, kuwa dhaawaca ahna ALLE ha booga dhayo” ayuu yiri taliyaha.

Dhinaca kale, Waxaa jira Khasaaro qaraxa ka soo gaaray qaar kamid ah ciidamadii ilaalinayay taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya, waxaa sidoo kale qaraxa uu waxyeelo kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Cumar Filish oo dhaliil adag u jeediyey Axmed Madoobe & Saciid Deni

Caydiid Ali

Cabsi lasoo daristay Dadka la Macaamila Al Shabaab ee ku sugan Muqdisho iyo NISA oo…

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey Ciidanka AMISOM oo si fool xun u laayey dad shacab ah

Caydiid Ali