Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Kheyre oo codsaday in Somalia laga qaado cuna-qabataynta hubka (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya. Waxaana hoogaaminayay Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan ee H.E Kiarat Umarow.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga u sharaxay xaaladda ay Soomaliya marayso iyo halka ay u socoto, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka. Sidoo kalena waxuu u soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda.

Amb. Mr Kiarat Umarow ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu kuur gali lahaayeen halka ay marayso cunqa qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran iyo xaaladda guud ee dalka , gaar ahaan horumarka ay ku tilaabsatay Xukuumaddu sida Amniga, Dhaqaalaha, Geedi-socodka doorashooyinka iyo soo noqoshada kaabayaasha qaranimada Soomaaliya.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahed celiyay madaxda Ururka Qarmadda Midoobay sida ay marwalba u garab taagan yihiin Soomaaliya iyo caawinaada ay u fidiyaan dawladda iyo shacabkeeda, waxuuna ballan qaaday in isbadel horumarineed ay ku talaabsan doonta Soomaaliya sannadaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo arrimo muhiim ah looga hadlay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada oo bilaabay Diiwaangelinta Guddiga soo xulyada Ergada (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo Eedeyn culus u jeediyay Madaxda dalka ugu sareysa 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---