Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo Go’aamisay in mudo sadex maalin ah Calanka hoos loo dhigo

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen guddiga qabanqaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Abshir Faarax oo shalay ku geeriyooday dalka Turkiga.

Shirka ay isugu yimaadeen ayey Guddigu uga hadleen keenista meydka iyo aaska qaran ee lagu maamuusayo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Dowladda ayaa go’aamisay in mudda sexad maalin ah calanka hoos loo dhigo si loogu Baroor diiqo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasn Abshir Faarax oo qeyb muhiim ah ka qaatay dib-u-yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax oo ahaa siyaasi rugcadaa ah ayaa soo noqday Gudoomiyihi gobolka Banaadir iyo Ra’isul Wasaarihii dowladii Carte, waxa uu sidoo kale soo qabtay xilal kale oo dowladeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal ka socda deegaano hoostaga Aadan Yabaal iyo qaraxyo la maqlay

Cabdi Cade

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Maamulka Afmadow?

Caydiid Ali

Trump oo si yaab leh uga hadlay Muslimiintii lagu laayey wadanka New Zealand

Caydiid Ali
Taboola Ads ---