Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Muqdisho iyo Taliyaha milatariga Jeneraal Odawaa oo…

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw lagu weeraray gaadiid uu la socday taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya jeneraal Odawaa Raage.

Weerarka lagu qaaday taliyaha milatariga ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa isgooska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooga, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay gaarigii uu la socday taliyaha.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga ayaa noo sheegay in Jeneraal Odawaa ka bad baaday qaraxa lala beegsaday, waxaaba goobta ka kaxeeyay ciidamo katirsan milatariga soomaaliya oo geeyay goob amaan ah.

Taliyaha Milatariga Soomaaliya ee qaraxa lagu weeraray ayaa la socday gaari nuuca aan xabaduhu karin, waxaana qaraxa kahor inta aan gaariga taliyaha lagu dhufay isku dayay in uu ka celiyo gaari Cabdi bille ah oo ilaalo ka hayay taliyaha.

Waxaa jira Khasaaro qaraxa kasoo gaaray qaar kamid ah ciidamadii ilaalinayay taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya, waxaa sidoo kale qaraxa uu waxyeelo kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii hore ee Amniga oo ka jawaabay Qoraal kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida

Cabdi Cade

Xidig caan ah oo Sheegay in Madaxweyne Erdogan uu Maleegayo Shirqool Lagu Dilo !

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in ay korotay khasaaraha Dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii Soobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---