Madaxweynaha cusub ee dalka Malawi Lazarus Chakwera , ayaa qaaday talaabo dad badan oo u dhashay dalkaasi ka careesiisay, kadib markii golihiisa Wasiirada kusoo daray xubno badan oo katirsan qoyskiisa.
Chakwera ayaa golihiisa Wasiirada kusoo daray labo nin oo la dhalatay uu u kala magacaabay Wasaaraha Caafimaadka iyo Shaqada, halka xaaskiisa ka dhigay Wasiir kuxigeen, waxaa sidoo kale Wasiiradiisa ku jira xubno kale oo eheladiisa kami ah.
Madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ayaa talaabada xubno kamid ah qoyskiisa ugu daray golaha Wasiirada ku sheegay in uu ku xushay aqoon iyo karti balse uusan ku xulan walaal iyo ehelnimo.
Talaabada uu qaaday Madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ayaa dad badan ka careesiisay, waxaana qeybo kamid ah dalka Malawi ka dhacay banaan baxyo caro leh oo looga soo horjeeday Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Chakwera.
Wadamada Caalamka qaarkood gaar ahaan kuwa dhaca qaaraada Afrika ayaa madaxda ka talisa xilal u magacaaba xaasaskooda, caruurtooda iyo dad kale oo ehel la ah, waxa ayna dad badan talaabooyinkaasi ku tilmaameen kuwa cadaalad daro ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com