Xukuumada Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa siyaabo kala duwan u magacaabay lao Guddi oo qaban qaabiya aaska loo sameyn doono Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa u magacaabay guddi uu Gudoomiye u yahay Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed in ay qaban qaabiyaan aaska Marxuum Xasan Abshir.
Halakn ka Akhriso magacyada Guddiga kheyre magacaabay1-
1-Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS    :Guddoomiye.
2- Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibaddaa          :Xubin.
3. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta       : Xubin
4. Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha         :Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada                 :Xubin
6. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada          : Xubin
7. Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka             :Xubin.
8. Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka  :Xubin.
9. Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda     : Xubin
Dhinaca Kale Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa Guddi u magacaabay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah:-
1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye Ku-xigeen)
3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Osmaan Lugatoor (Xubin)
4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan (xubin)
5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jaamac Faarax Xasan (xubin)
6. Taliyaha Ciidamada Alsuubta Gen Cali Nuur (xubin)
7. Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdiyare Xasan Xuseen (xubin)
8. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (xubin)
9. Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Barre (xubin)
Labadan Siyaasi oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa siyaabo kala duwan shalay iyo daraad ugu geeriyooday magaalooyinka Nairobi iyo Ankara .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com