Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo Warbaahinta la hadlay ayaa digniin adag kasoo saaray isticmaalka astaanta ciidanka xooga iyo dareeskooda.
Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay soo badanayeen shaqsiyaad uu sheegay in ay isticmaalayaan gaadiid dagaal oo lagu buufiyay astaanta ciidanka loona ekeesiyay kuwa Ciidanka xooga Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed in gaadiidka lagu buufiyay astaanta ciidanka ciidanka ay geesan karaan dhibaatooyin sidoo kale lagu geesan karo falal amaanka lidi ku ah.
Taliye Odawaa ayaa shaaciyay in ay la wareegi doonaan hadii ay arkaan gaadiid aan ciidanka u diiwaan gashaneen oo lagu buufiyay astaanta ciidanka xooga Soomaaliyeed, waxa uuna dugniin adag u diray shaqsiyaadka iska leh gaadiidkaasi dagaal.
Ugu Dambeyn taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo aan aheyn kuwa milatariga hadana xiran dareeskooda, waxa uuna ku goodiyay in talaabo laga qaadi doono cidii aan ciidanka katirsaneyn ee lagu qabto isaga oo xiran dareeskooda.
Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa lagu arkaa ciidamo aan katirsaneyn kuwa xoogga oo hadana xiran dareeskooda iyo gaadiid dagaal ay leeyihiin siyaasiyiin iyo saraakiil hore oo ku buufsan astaanta ciidanka xooga dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com