Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Ra’isul Wasaarihii hore ee dowladii KMG ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dowladahii kala duwanaa ee dalka soo maray ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga .

Xasan Abshir Faarax oo ahaa rugcadaa siyaasadeed ayaa xanuun aan wali la shaacin ugu geeriyooday dalka Turkiga uu ku sugnaa, waxaana geerida masuulkan hore ka tacsiyadeeyay masuuliyiin kala duwan.

Ilaah ha u naxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa caan ka ahaa siyaasada Soomaaliya, waxa uuna soo noqday Duqii magaalada Muqdisho xiligii kacaanka, waxa uu sidoo kale xilal kala duwan ilaa heer Ra’isul Wasaare kasoo noqday dowladihii dalka isaga dambeeyay.

Geerida Xasan Abshir ayaa kusoo aadeysa xili xalay sidoo kale magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo kamid ahaa aas aasayaashii Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Maqaayad kutaala Baledweyne

Cabdi Cade

Donald Trump oo isu-dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Sadex nin oo mudo 38-sano ah u xirnaa dambi aysan galin oo xuriyadooda dib u helay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---