Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ee Degmada Dharkeenley, waxaana iska hor imaadkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ciidamada dagaalamay oo u abaabulnaa qaab beeleed ayaa kawada tirsanaa Milatariga, waxa ayna ciidankan isku heestaan dhul la sheegay in dad barakacayaal ah degnaayeen oo dan guud ah.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay iska hor imaadkaadkan tiro kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, waxaana lagu guuleestay in dagaalka la qaboojiyo lana dhax galo dhinacyada dagaalamay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca mararka qaar iska hor imaadyo dhax mara ciidamada dowlada ee u abaabul qaab beeleed, waxaan inta badan iska hor imaadkaasi salka ku hayaa dhul danguud oo la isju qabsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Booqashadeedii Iskuulka Gurmad ee magaalada Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta lagu dhawaaqayo iyo Waqtigii oo ka dhammaaday Deni

Cabdi Cade

Siyaasi kasoo jeeda Xawaadle oo loo balan qaaday Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo Lacag

admin
Taboola Ads ---