Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka hadlay dil magaalada Muqdisho uu ka geestay askari katirsanaa ilaaladiisa

Wasiirka Cadaalada Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay dil shalay galinkii dambe askari katirsanaa ciidanka asluubta gaar ahaan kamid ahaa ilaaladiisa u geestay nin katirsanaa xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.

Wasiirka ayaa tacsi u diray ehelada uu ka baxay marxuum Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo katirsanaa xafiiska xeer ilaalinta Qaranka oo shalay dil bareer ah u geestay askari katirsanaa ilaaladiisa.

Waxa uu sheegay Wasiirka in gacanta lagu soo dhigay askariga gacan ku dhiiglaha ayna ku socdaan baaritaano, waxa uuna cadeeyay Wasiirka in askariga la horgeyn doono cadaalada si loogu qaado dambiga uu geestay.

Wasiirka Cadaalada ayaana ugu baaqay ciidamada qalabka sida in ay iska ilaaliyaan hubka loogu tala galay in shacabka ku ilaaliyaan in iyaga ku dhibaateeyaan, waxa uuna ka codsaday taliyaasha in tababaro la siiyo ciidamada si aysan shacabka u dhibaateen.

Warkan kasoo baxay Wasiirka cadaalada xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili shalay galab askari katirsanaa ilaaladiisa laamiga Maka Al mukarama ku toogtay sargaal katirsanaa xafiiska xeer ilaalinta Qaranka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Generaal Cabdalla Cabdalla oo laga saaray Xubinimadii Hay’adda NISA

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo shacab badan kula hadlay Masjid ku yaalla Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Burcad xeelad yaab leh dad badan ku dhacay oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---