Allbanaadir.com
NEWS

Qorshe Madaxda Dowlada Federaalka looga qeyb galinayo Shirka Dhuusomareeb oo socda

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socda shir ay leeyihiin madaxda Dowlad goboleedyada , shirkan ayaana looga arinsanayaa arimo badan oo xasaasi ah sida kala guurka, doorashooyinka iyo Dastuurka qabyada ah.

Madaxda maamul goboleedyada ayaana leh kulamo albaabada u xiran yihiin ay ku lafa gurayaan arimo badan oo xiligan xasaasi ah, waxaana gabo gabada kulankooda la filayaa in ay isku raacaan qodobada qaar ay ka doodayaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay socdaan qorshayaal la doonayo in shirka madaxda dowlad goboleedyada ku leeyihiin Dhuusomareeb loogu casuumo Madaxda dowlada federaalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay in Madaxda maamul goboleedyada u gudbisay in laga faa’iideesto fursada hada jirta ayna kulamada socda qeyb ka noqdaan Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka.

Madaxda dowlad goboleedyada qaar ayaa sidoo kale soo jeediyay in shirka ku casuumaan Madaxda dowlada federaalka marka ay rimaha horyaala is faham ka gaaraan, waxaana qorshahan cusub kasoo horjeeda madaxda maamulada qaar.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaana laga soo xigtay in Shirka lagu casuumi doono Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ama midkood uu tagi doono shirka si loo balaariyo wadatashiga hada socda qeybna uga noqoto dowlada federaalka.

Shirarka gaar gaar ah ee hada magaalada Dhuusomareeb uga socda ayaana la filayaa in ay kasoo baxaan go’aan ay Madaxda maamul goboleedyada ku ogolaanayaan in shirka kusoo biiraan Madaxda dowlada federaalka ama iska diidaan qorshaha hada socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Indhihiisa kusoo arkay Dhibaatada ka jirta Jowhar (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaanad ka tirsan Senatka Maraykanka oo shaacisay in la kufsaday

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Diiday Xil ka qaadistii Fahad kuna amray in Shaqadiisa sii wato !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---