Allbanaadir.com
NEWS

Jilaaga Caanka ah ee Amitabh Bachchan iyo xubno katirsan Qoyskiisa oo isbitaal la dhigay

Jilaaga Caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya Amitabh Bachchan dadka Soomaaliyeedna u yaqaanaan Cali Dheer ayaa la dhigay isbitaal kuyaala magaalada Mumbai kadib markii laga helay cudurka Caronavirus.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Amitabh Bachchan ayuu ku xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Caronavirus, waxa uu sidoo kale sheegay in xubno kale oo qoyskiisa kamid ah iyana laga helay cudurkaasi hadana xaaladooda fiican tahay.

Wiil uu dhalay Jilaaga Cali Dheere loo yaqaan oo isna jilaa kale ah laguna magacaabo Abhishek, ayaa isna laga helay cudurka Caronavirus, waxaana jilaagan iyo aabihiis hada kuwada jiraan isbitaal kuyaala magaalada Mumbai.

Jilaaga Amitabh Bachchan oo 77-sano jir ah ayaa ka qeyb qaatay jilista in ka badan 200-oo filin, waxa uuna Jilaagan kamid yahay kuwa ugu caansan uguna hantida badan jilaayaasha dalka Hindiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Gobolka Banaadir & heyadda IOM? (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax Khasaare nafeed geystay oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye

Caydiid Ali

Maxaad kala Socotaa Kala waqti yaraanta Saacadaha Soonka ee Dalalka Islaamka ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---