Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada amaanka oo gacanta kusoo dhigay nin soo xirtay Dharka Dumarka ( Sawirro)

Ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xalay gacanta kusoo dhigay nin dhalinyaro ah oo ku labisnaa dareeska dumarka xirtaan sida Xijaab iyo Indha Shareer.

Sida aan wararka ku helnay ninkan soo xirtay dharka dumarka ayaa xili uu dhax socday degmada Balcad waxaa ka shakiyay dad ku dhaqan magaaladaasi oo ku wargaliyay laamaha amaanka oo gacanta ku dhigay.

Ninkan dharka dumarka xirnaa oon wali la ogeyn waxa uu yahay iyo ujeedkiisa ayaa ku xiran saldhiga degmada Balcad, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan baaritaan lagu sameenayo .

Magaalooyin dalka ku yaala ayaa marar badan lagu qabtay rag badan oo xirnaa dareeska dumarka, dadkan la qabtay ayaana lagu helay dambiyo kala duwan oo qaarkood yihiin falal amaanka lidi ku ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Soomaali ah oo loo xiray qarax dad badan ku dhinteen oo ak dhacay DR Congo

Cabdi Cade

Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxii caawa

Caydiid Ali

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay garoonka dayuuradaha degmada Buulo Burte

Caydiid Ali
Taboola Ads ---