Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Puntland oo geeriyooday iyo Saciid Deni oo ka tacsiyadeeyay

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday magaalada Niarobi ee caasimada dalka Kenya, kadib xanuun in mudo ah halkaasi ku hayay.

Allaha u naxariistee Siyaasiga Maxamed Cabdi Xaashi ayaa kamid ahaa aas aasayaashii maamulka Puntland, waxa uuna soo noqday Madaxweynihii labaad uu yeeshay maamulkaasi .

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warsaxaafeed uu soo saaray uga hadlay geerida Madaxweynihii hore ee Puntland .

Halkan ka Akhriso Warka uu geerisa kasoo saaray Saciid Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caro xoogan oo ka dhalatay booliis Mas ku cabsi galiyay nin Eedeysane ah (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Khayre oo caawa la afuray dhallinyaro Soomaaliyed oo dowladu ka soo celisay Liibiya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Kenya oo baadi goobeysa shan nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---