Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo sheegay in maamul goboleedyada aysan go’aan ka gaari karin arimo badan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug kaga qaybgalay shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu u mahad celiyay dhamaan Shacabka iyo Xukuumada Galmudug sidii sharafta iyo Maamuuska lahayd ee ay usoo dhaweeyeen wafdigiisa iyo dhamaan ka qaybgalayaasha shirkan.

Waxaa Madaxweynahu uu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan uu noqdo mid wax badan ka tara Arimaha Siyaasada ee dalka ka taagan oo ay ugu weyn tahay Arimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in tartanka Doorashada Madaxtinimada dalkeenu ay soo martay marxalado kala duwan iyadoo ay tan iyo markii Federaalka la Aas Aasay ay caado inoo ahayd in afartii sanaba mar la qabto Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha taas oo qof walba uu nasiibkiisa ka dhex raadiyo.

Waxaa kale oo uu xusay in qaababka Doorashooyinkaas loo qaban jiray ay mar walba ahayd halka la taagan yahay Siyaasada ahaan iyo amni ahaanba isla markana mar walba ay lagama maarmaan tahay in Doorashooyinku ay noqdaan kuwo la isla ogolyahay.

“Shirkaan muhiimadiisa waxaa rasmi ah oo doorashooyinka iyo siyaasadda waxa dowlad goboleedyada ka dhaxeeya intaba saameyn ku leh, malaha dowlad goboleedyada go’aan ka gaarista arrimo badan, laakiin tashi ayay ku leeyihiin mana doonayaan shaqo aysan iyaga laheyn inay qabtaan, inta ay xaqa u leeyihiin inay ku darsadaan taladooda waaye”Ayuu yiri Axmed Madoobe

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe  in ay qof walba loo baahan yahay in lagu tixgaliyo haday noqoto heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si wakhti danbe uuna dalkeena uga khasaarin isla markana horay loogu sii socdo.

“Dowlad Goboleedyada waa qaab dhismeed ka tirsan nidaamka Federaalka, xaqna u leh inay tashadaan, dowladda federaalka mas’uuliyiintoodana talada ayaa ka dhaxeysa oo u baahan qaraarada siyaasiga ee la gaarayo mid laga wada tasho oo la isu yimaado oo la isla qaato meesha la is leeyahay wey gaari kartaa” Ayuu yiri Axmed Madoobe

Hay’adaha Federaalka ah ayuu sheegay Madaxweynahu in ay kahor inta aanay meel marin xeerar iyo qaraaro saamayanaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah ay la tashi la sameeyaan dhinacyada ay qusayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun adag oo lagu riday Mas’uuliyiin uu ku jiro Taliyihii hore ee Milateriga Turkiga

Caydiid Ali

Qaabkii ay u shiri jireen Wasiirada Somaliland oo wax laga bedelay iyo Go’aano kasoo baxay

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Barakacayaal ku sugan Dharkeenley (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---