Allbanaadir.com
NEWS

Ilaalada Axmed Madoobe oo Dhoolo tus cajiib ah ku sameeyay Dhuusomareeb (Sawirro)

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa ku sugan ciidamo kala duwan oo ay wataan Madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku shiraya magaaladaasi .

Ciidamada ilaalinaya Madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay in tiro ahaan iyo tayo ahaanba kala duwan yihiin, waxaana ciidamada ugu badan magaaladaasi la tagay Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gudaha magaalada Dhuusomareeb waxa ay kusoo bandhigeen dhoolo tus ay ku muujinayaan awoodooda iyo tababarka gaarka ah ay leeyihiin.

Sawirro laga soo qaaday ilaalada Axmed Madoobe oo sameenaya dhoolo tuska ayaa lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinada qaar, waxaana ciidamadan u muuqdeen kuwa diyaarsan oo si gaar ah loo soo xulay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kiisaskii ugu yaraa cudurka COVID-19 oo dalka laga helay 24 saac gudahood

Caydiid Ali

Xildhibaanad taageersan Jawaari oo si dadban u weerartay Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Jubbaland oo wafdi culus u dirtay xalinta dagaalka Luuq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---