Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Iskuulka 21-ka October ee kuyaala degmada Waabari .
Warar horu dhac ah aan helnay ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ah oo laamiga dhinaciisa la dhigay, lamana oga wali cida sida gaarka ah qaraxaasi loola eegtay iyo khasaaraha ka dhashay.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo gaadiidka gurmadka deg dega ayaana gaaray goobta qaraxu ka dhacay,waxaana socda baaritaano ciidamada ku sameenayaan qaraxan goordhaw dhacay.
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com