Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeesay shaaca ka qaaday magacyada rag loo heesto in ay ka dambeeyeen dil dhawaan magaaada Adis Ababa loogu geestay Fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa .
Dilka fanaankan loo geestay ayaa gudaha Itoobiya gaar ahaan dhulka Oromada degto ka dhaliyay banaan baxyo rabshada wata oo sababay geerida dad ka badan 100-qof ay ku jiraan saraakiil iyo askar katirsan booliiska Itoobiya.
xeer ilaaliyaha federaalka ee Itoobiya Adanech Abeibe ayaa sheegtay in raga lagu magacaabo Tilahun Yami iyo Abdi Alemayehou ay fuliyeen dilka magaalada Adis Ababa loogu geestay Hundessa.
Waxa ay xeer ilaalinta sheegtay in raggan loo heesto dilka fanaanka ay qirteen dambiga ay galeen, ragan dilka loo heesto ayaana la sheegay in ay katirsanaayeen koox la yiraahdo “Shane” oo ka goosatay Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF.
Rabshadaha ka dhashay dilka Fanaanka ayaa sababay geerida dad badan iyo sidoo kale in la xiro siyaasiyiin iyo hogaamiyaal caan ka ah gudaha Itoobiya uu kamid yahay Jawar Maxamed oo mar saaxiib dhaw la ahaa Ra’isul wasaare Abiy Axmed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com