Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ku soo kordhay kiisaska cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya?

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 62 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,209.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 10 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 7 Puntland 2 iyo Gobolka Banaadir 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,038.

Bukaannada cusub 8 ka mid ah waa rag 2-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 92 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Sir Philip Barton (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Rooble oo goobjoog ka ah Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada aqal (Sawirro)

Cabdi Cade

Ukraine oo looga digay Isticmaalka Bambooyin halis ah oo dowladda Mareykanka ugu deeqayso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---