Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Sidee Axmed Madoobe loogu soo dhoweeyey Magaalada Dhuusamareeb?

Waxaa goor dhaweyd magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug gaaray Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmad Madoobe) oo ka soo duulay Magaalada Kismaayo.

Waxay ka qeyb galayaan shirka madaxda Dowlad Goboleedyada dalka kaasoo lagu wado inuu furmo berri OO taariikhdu ku beegantahay 10 Luulyo 2020 ka furmo magaalada Dhuusamareeb

Waxaa garoonka kuso dhaweeyay madaxwayne Axmed Maxamed Islaam madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo madax kale oo badan.

Waxaa horey magaaladaas u gaaray madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Puntland, waxaana aad loo adkeeyey amaanka magaalada oo ay joogaan ciidamo fara badan oo ay kala wataan madaxda halkaas ku shiraysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo ka mahadcelisay Deeq Waxbarasho oo Sannad walbo siin doonto Masar (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxeyne Farmaajo oo War kasoo saaray Qaraxii dadka badan lagu laayay

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka hadlay Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---