Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar xoogan ku bur burisay xarun Isgaarsiineed

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka Korakora ee dhaca duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari, waxaana halkaasi dagaal ku dhax maray Al Shabaab iyo ciidamada booliiska Kenya.

Al Shabaab ayaana weerarkooda ku beegsaday xarun isgaarsiineed oo kutaala deegaanka Korakora , waxaana iska hor imaad xaruntaasi ku dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamo booliis ah oo ilaalo ka hayay xarunta la weeraray.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaana weerarka kadib gacanta ku dhigay xarunta isgaarsiineed ee weerarka ku qaadeen, waxaana la sheegay in Al Shabaab miino ku xireen xaruntaasi kadibna bur buriyeen.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in uusan jirin khasaaro weerarkaasi kasoo gaaray ciiamada booliiska iyo dadka deegaanka, waxaana taliyaha booliiska gobolka waqooyi Bari Kenya Rono Bunei sheegay in ay ka hortagayana kharaha amni ee ka imaanaya Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa weeraro joogto ah ka fulisa deegaano kuyaala gobolka Waqooyi bari Kenya iyo gobolka Xeebta, waxa ayna inta badan Al Shabaab beegsadaan xarumaha booliiska iyo shirkadaha isgaarsiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo dalkiisa ka mamnucay Jameecada Tabliiqa (Sababta)

Caydiid Ali

Aabe xal cajiib ah u helay Wiilkiisa oo lagu kari waayay in uu guriga joogo ! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooble oo qodobo xasaasi ah kala hadlay Gudoonka Guddiga doorashada federaalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---