Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay Madaxda Soomaalidu muddo kororsi u raadiyaan iyagoo doorasho geli kara?

Madaxweyneyaasha Soomaaliya maxay damac waalan ugu qabaan wakhti kororsi kadib marka mudo xileedku ka dhamaado, iyaga oo ay u furan tahay iney doorasho dib u galaan??? waa su’aal taagan..

Sababuhu waa badan yihiin, waxaana ugu muhimsan kuwa soo socda:

Madaxweynuhu uma diyaarsana tartan adag inuu galo iintiisa oo badan awgeed; hubaal la’aan ka haysata degenaansho la’aanta siyaasadeed iyo mowjadaha ka kacaya isla xisaabtan darada; damaaciga soo celinta dhaqan kelitalisnimo oo madaxweynaha xukunka ku haynaya inta uu nool yahay; ku tashiga adeegsiga xoogaga xun ee xukunka lagu boobo; adeegsiga hantida dowladda loo adeegsanayo ololaha wakhti kororsiga; Sii wadida ku takrifalka deeqaha shisheeye iyo ku danaysiga sii wadida heshiisyada qarsoon oo danaha iyo hantida la isku doorsanayo; ku taajirida hodontinimada laga helayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo hantida qaranka; cabsida ay ka qabaan xilka ka dib iney ku noolaadaan walaac la xiriirta xasaanada oo laga qaado iyo in lagu soo maxkamadeeyo tacadiyadii ay u geysteen dadka, dalka, iyo dowladda; malabsigii ay uga barteen awooda xilka oo bedelkeed ay ku dambeeyaan liidasho ay u wehliso tabaaleysnaan iyo tabardaro; iyo ugu dambeysta walaaca ay ka qabaan xoogeysiga xoogaga mucaaradka oo si bahdilaada uga aargoosta iyaga iyo qoysaskooda dulmi wadaaga la ahaa.

Haddiiba madaxweyne kasta himiladiisu tahay wakhti kororsi sow ma haboona in dastuurka laga bedelo xiliga uu xilka haynayo madaxweynuhu oo meesha ah 4ta sano laga dhigo 6 sano, laguna xadido mudo laba jeer oo keliya in madaxweynuhu uu xilka hayn karo, taas oo kor u qaadeysa heerka dimoqaraadiyada, meeshana ka saareysa damaca wakhti kororsiga ama jiritaanka nin xukunka xoog ku haysta oo xukunka sharcigu yahay rabitaankiisa, waxeyna sahleysaa isbedel awoodeed oo si nabada ku dhaca, iyadoo ka hortageysa kelitalis weligiis xukunka ku yuurara, dhiirogelineysana awood ka degid ku timaada wakhtigeeda.

Waxaa jira labo waaxood oo uu si qaldan u adeegsado madaxweynaha uu damaciisu yahay wakhti kororsi ama tirtirida wakhti xileedka, kuwaasoo kale ah maxkamada dastuurka oo si qaldan u fasirta dastuurka iyo baarlamaanka oo u codeeya xeerar garab siinaya wakhti kororsiga.

Labadaas hayadood oo si dadban loo iibsado milkiyadooda ayaa waxey dhiirogeliyaan dacaayado u muuqda kuwo shacabka iyo ciidanka iyo xisbiga dowladda gacan ku siinaya iney haystaan taageerada ugu badan iyo weliba aqlabiyada dhalinyarada oo ah mustaqbalka aayaha dalka, taasoo lagu xoojinayo wareegtooyin madaxweyne oo afti been abuur loogu ayidayo, taasoo si dadban loogu itaal sheeganayo nolosha siyaasadeed ee mucaaradka iyo siyaasiyiinta isbedel doonka ah.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya ma rabaan dastuur iyo maxkamad xakameysa damacooda waalan oo ay ku doonayaan tartan la’aan iney wakhti dheer xilka hayaan, waxeyna kuligood ka siman yihiin iney ku baraarugaan baahida ay u qabaan iney sii joogaan marka ay soo dhowaato wakhtiga uu ka soo dhamaanayo xilkoodu, taasoo ah ceeb noqotay caado ay ku cabirayaan waxa uu kursigu baday oo aysan sinaba uga maarmi karin, taas oo la mida:

Geeleygii dhalay ma ka dhimanayaa
Naagaheyga ugub ma ka dhimanayaa
Hantidaan dhuranaayey ma ka dhimanayaa
Awoodii boqortooyadii dhameyd ma ka dhimanayaa
Subax walba saarida salaantii sareeyenimo ma ka dhimanayaa
Socdaalkii tamashle iyo isqaadqaadkii sare ma ka dhimanaya
Amaradaan dhiibayey iyo dalabaadkeygii ma ka dhimanayaa
Dilalkan xukmiyey iyo sii deyntaan cafinayey ma ka dhimanaya
Taladaan keligey tubaheeda toosinayey ma ka dhimanayaa
Rukuucdii dabagaale iyo heesihii la igu raxleynayey ma ka dhimanayaa
Sawaxankii iyo sacabkii la igu marxabeynayey ma ka dhimanayaa
Silicii iyo saxariirtii aan ku bahdilayey mucaaradka ma ka dhimanayaa

Soomaali waxay horey ugu maahmaahday:

Dhurwaa u soo dhacay xoolahaaga ka dhig waa dhibkiisa!!!
Wuxuu dhowraaba waa dhimashadiisa ama dholocadeynta guusha la tegidiisa!!!
Wuxuu meereystaba oo miyirku uga maqan yahay mooro dad leeyahay wuxuu dabin u soo galaa malakumood oo uu la hinraago nafta muragadeeda.

Waxaa Qoray:
Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Guddoomiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyeed
Maine. Texas, USA

 

Related posts

Haweeney Qaxooti ah oo isku gubtay dalka Sweden & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay Xildhibaanada ka soo jeeda beelaha..? (Sawirro)

Caydiid Ali

War deg deg ah: Weriye ka howlgala Muqdisho oo ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa

Caydiid Ali