Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar lagu laayey dad isku qoys ah oo caawa ka dhacay duleedka Muqdisho

Degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxaa caawa ka dhacay fal argagax leh ka dib markii nin hubeysan uu halkaas ku laayey dad hal qoys ka koobnaa.

Ninkan oo ku hubeysnaa qori Ak-47 ah ayaa  sida la sheegay ka tirsanaa ciidamada DF, isagoo rasaas aan kala sooc laheyn ku furey qoys uu hoygooda ku weeraray oo ka koobnaa qiyaastii toban qofood, kuwaasoo noqday wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Goob joogayaal ayaa allbanaadir Online u xaqiijiyey in illaa shan qofood ay ku geeriyootay goobta, halka shan kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Meydadka iyo dhaawacyada dadkaas ayaa loo soo qaaday xarunta dhexe ee dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da iyo goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho sida wararku nagu soo gaarayaan.

Faahfaahin lagama hayo sababta weerarkan balse dadka degaanka qaarkood ayaa sheegaya in ninka weerarkan geystay uu gabar ka qabay reerka uu xasuuqay, uuna jiray khilaaf iyo muran maalmahan ka dhexeeyey isaga iyo qoyska uu xididka la ahaa.

Ciidamada amaanka DF ayaa goobta gaaray halkaasoo ay ka wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan askariga weerarkan arxan darada ah fuliyey oo goobta ka baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Muuse Biixi oo xafiiskiisa ka soo saaray wareegto cafis loogu fidiyey..

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo shuruud adag ku xiray Sudan si liiska argagaxisada looga saaro

Cabdi Cade

Itoobiya & Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xadka labada dal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---