Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo qabtay shaqo laga rabay Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore ee dalka mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynihi hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal iyo Gud. Ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Kulankaan ayaa daba socda shirkii maalin ka hor ay ku yeesheen xarunta Madasha Xisbiyada Qaran.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in qodobbadii laga wada hadlay la dar dar geliyo waxaana si gaar ah diiradda loo saaray sidi loo soo celin lahaa wada shaqeyntii labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Xasan shiikh oo ka tirsan hogaanka madasha Xisbiyada ayaa maalmo ka hor kulan la qaatay gudoonka aqalka sare ee baarlamanka iyagoo kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka labada aqal ee baarlamanka Somalia.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kaalin muhiim ah ka qaadanaysa dib u heshiisiinta labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay madasha xisbiyada qaran, iyadoo doorkan dhexdhexaadinta ah uu lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo iska bixisay qaaraan sanado badan lagu lahaa

Cabdi Cade

DAAWO TOOS: Munaasabada xuska 1-da Luulyo oo caawa ka socota Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada oo Qarash badan ku bixisay Fashilinta Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---