Allbanaadir.com
NEWS

Weerar dil & dhac kulansaday oo caawa ka dhacay duleedka Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Rag hubeysan ayaa caawa fiidnimadii waxay Xaafada Tabeellaha Shiikh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ku dileen Nin ka mid ah dadka ku nool Xaafadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay ku baxsadeen gaari uu lahaa ruuxa la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyey Shooble kana ka mid ahaa ilaalada Jaamacadda Shabeelle.

Qof ka mid ah dadka deegaanka goobtana ku sugnaa xiliga uu dilka dhacayay ayaa sheegay in goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasoo howlgallo baaritaano ah ka wada.

Lama oga dilkan uu ahaa mid qorsheysan oo ninkaas lala damacsanaa iyo inuu ahaa mid burcadnimo ah, maadaama kooxaha dilalka geysta aan looga baran iney qaataan hantida qofka ay dilaan marka laga reebo ciidamada dowlada oo ay qoryaha ka qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo mar kale goob fagaare ah ku toogatay dad badan oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo fuliyay howlgal lagu dilay saraakiil badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajow Sidaan Laguma Noqdo Saadaad-kii dalka Masar !!

admin
Taboola Ads ---