Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw xaruntii hore ee Madaxtooyada u aheyd Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa lala eegtay gaari ay leeyihiin ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana qaraxan khasaaro uu kasoo gaaray askar la socotay gaariga qaraxa lala eegtay.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxa miino lagla eegtay ciidanka, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen askartii waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi.
Qaraxyada miino ee ka dhaca xaafadaha magaalada Muqdisho dhaxdooda ayaa mudooyinkan dambe soo badanayay, waxaana qaraxyadan mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com