Allbanaadir.com
NEWS

Askari dil caro badan dhaliyay ka geestay Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Nuur Daahir Geedi oo katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, askarigan ayaana lagu helay in uu dil u geestay nin Oday ahaa oo muran dhax maray.

Askarigan xukunka dilka ah lagu riday ayaa agagaarka Isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamarjajab ku dilay 16-kii June oday lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin oo ahaa 70 sano jir iibiya bagaashka fudud, waxa uuna u dilay labo kun Sh. So ah darteed.

Dilkan ayaana dad badan si weyn uga caroodeen, waxa ayna dowlada ka dalbadeen in askarigaasi la marsiiyo ciqaabta dilka u geestay ninka odayga ahaa uu sida gardarada ahaa noloshiisa u dhaafiyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur ayaa sheegay in Maxkamada xukun dil ah ku riday D/Boolis Nuur Daahir Geedi oo dil bareer ahaa u geestay Cumar Xasan Macalin, waxa uuna xusay in askariga racfaan ka qaadan karo xukunkan.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukuno badan oo dil ah ku riday askar katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo siyaabo kala duwan dad shacab ah ugu dilay Muqdisho, xukunadan maxkamada riday ayaana sanadkan intooda badan la fulin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo soo saartay qeylo-dhaan & baaq deg deg ah

Caydiid Ali

War xiise leh oo ka soo kordhay Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha Dibeda DF oo kulankii ugu horeeyey la qaatay James Swan (Sawirro)

Caydiid Ali