Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Kaalinta 1aad) Soomaaliya oo adeeg Muhiim ah kaga horumartay dalalka Jaamacada Carabta

Somalia ayaa kaalinta 1-aad ka gashay dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ka dib markii ay noqotay dalka ugu qiimaha jaban internetka Carabta oo dhan.

Sida ku cad warbixin uu diyaariyey bogga Cable Halkii GB Somalia waxaa la iibiyaa nus doollar, ($0.5) halka dalka ku soo xiga oo ah dalka Sudan uu Sicirku yahay $ 0.63 doollar.

Dalka Yaman oo ay dagaallada sokeeye la degeen ayaa noqday dalka ugu qaalisan Carabta, waxaana halkii GB la iibiyaa lacag ku dhow $16 dollar,

Waxaa xiga dal kale oo isna ay dagaallo daashadeen oo ah Siiriya kaasoo halkii GB uu ka joogo $7 doollar, iyadoo arrintan ay astaan u tahay khasaaraha iyo dib u dhaca dagaalada sokeeye.

Somalia ayaa horey kaalinta 1-aad uga jirtay Afrika dhanka sicirka jaban ee internetka, iyadoo dunida oo dhan kaga jirta kaalinta 6aad, waxaana ka qiimo jaban oo kaliya dalalka India, Israel, Kyrgyzstan, Italy iyo qaar kale, waxayna tani ku soo beegmeysaa xili sanadahan dambe ay Somalia ku soo badanayeen Shirkadaha bixiya adeega internetka oo ku tartamaya suuqa iyo Macaamiisha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in howlgal ku dileen Maxamuud Nuur Gacal

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo taagan kala hadlay Maadxweyne kuxigeenka Jubbaland

Cabdi Cade

Dal Carbeed oo Viiso u diiday Ciyaartoy u dhalatay Israa’iil

admin
Taboola Ads ---