Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 3.5 Malyan oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya ay halis ugu jiraan cunto yari laga bilaabo bisha Juun ilaa bisha September ee sannadkan.
Hey’adda xiriirinta arrimaha bani’aadminnimo ee OCHA, waxay sidoo kale sheegtay in ka badan hal malyan oo carruur ah la saadaalinayo inay wajahaan nafaqo darro.
Qaramada Midoobey waxay ka dhawaajisay in markii Soomaaliya ay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka uu dalku la daalaa dhacayo saddex caqabadood oo is biirsaday.
Caqabadahaas ayaa cudurka Corona, daadadka iyo ayaxa kuwaasoo saameyn aan wanaagsaneyn ku hayo deegaanno badan oo aan helin gurmadkii ay u baahnaayeen, waxayna QM sheegtay in loo baahan yahay malaayiin dollar oo wax looga qabto dhibaatooyinkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com