Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorasho Noocee ah ayaa isbedel Siyaasadeed ka dhalin karta Soomaaliya?

Doorasho isbedel siyaasadeed keeni karta waa doorashada qof iyo cod, taasna sida muuqata waa ay ku adag tahay in hadda la qabto oo wakhtigii loogu talogalay ay ku dhacdo.

Nooca doorashadaas iney wakhtigeeda ku dhacdo waxaa sababta ugu weyn iska leh RW Kheyre iyo MW Farmaajo oo damacoodu ka fogaa afar sano, mala’awaalna loogu faaliyey sanooyin badan iney xukunka haysan doonaan.

Hadda oo runtii la soo gaarey waxaa lama huraan ah in fursad la siiyo wakhti ay ku qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo gudiga doorashooyinka loo madaxbaneeyo iney mudo kooban qabsoomideeda u hawl galaan, taas macnaheedu ma ahan in Farmaajo iyo Kheyre ay fursadaas ka dhigtaan cimri dheeri, sidaas daradeedna ay runta xaqiiqda ah naftooda ku qanciyaan, taasoo ah iney dhamaadka wakhtigooda wada dhacaan.

Talo lama huraan ah waxaa u baahan sidii heshiis looga wada gaari lahaa qabsoomida doorashada oo ku dhacda wakhti kooban, taasoo ogolaansho looga baahan yahay deeq-bixiyeyaasha maalgelinaya qabsoomida doorashada, siyaasiyiinta madaxbanaan iyo kuwa mucaaradka oo aan dooneyn muxaafid u janjeera Kheyre iyo Farmaajo iney qabtaan doorashada, madaxda maamul goboleedyada oo aan dooneyn dowladda dhexe keliya iney isku koobto qabashada doorashada, shacabka oo walaac weyn ka qaba heshiisyada xildhibaanada iyo madaxda maamul goboleedyada oo dib u soo celinayaa xildhibaano 12 kii sano oo u dambeysey goleyaasha baarlamaanka ku metelayey danahooda gaarka ah, iyo ugu dambeysta hogaamiye dhaqameedyadii u xuubsiibtey siyaasiyiin kuwaasoo door dhaqaale iyo mid mansaba ku lahaa qabsoomida doorashooyinka oo aan rabin doorasho qof iyo cod ah iney dhacdo.

Dabayaaqadii sagaashankii odeyaal isku xilqaamay in Soomaaliya laga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed oo qaranku ku dumo, dhiig badana ku daato ayaa talooyin kooban u soo jeediyey Madaxweynihii dowladii milateriga aheyd Marxuum Maxamed Siyaad Barre, si cadna waxay ugu sheegeen inuu si nabadgelyo leh ugala shaqeeyo waxgaradka Soomaaliyeed xil wareejin ay u soo magacawdaan hogaamiyeyaasha dowlad kmg.

MSB oo ku soo taloceliyey odeyaashii ayaa yiri xukuumadii jirtey ayaan ku sameynayaa isbedel oo ay qeyb ka yihiin mucaaradka. Odeyaashii waxey ku wargeliyeen ineysan dalka ka jirin xukuumad oo meel walba ay jabhadihii xoog kula wareegeen, haddana mar labaad ayuu ku soo warceliyey isaga oo u soo jeediyey odeyaasha iney keenaan Raisul Wasaare, isaguna uu sii ahaado Madaxweyne, taasoo ay odeyaashii ku diideen, hadalkoodiina ugu soo gabagabeeyeen waxaan dooneynaa inaan ku sagootino oo aan kuu sameyno macasalaameyn qiimo iyo sharaf badan leh. Jawaabtii ugu dambeysay oo uu bixiyey kaligii taliyuhu waxey noqotay hadaad diideen inaan sii joogo, adinkuna waxaad iga heli doontaan macasalaameyn aad ka shaleydaan, wixii markaas ka dambeysana waxaa bilaabatay madaafiic in la isku sagootiyo, taasoo natiijadeedu ku soo dhamaatay in la cirdeeyo xukunkii keligii taliska ahaa ahaa, laakiin nasiibdarro in badan oo ka mida odeyaashii waanwaanta xilwareejinta kula jirey waxey u bateen wax la dilo iyo kuwo dalka isaga cararay markii awoodu gacanta u gashay jabhado falaagoobey oo dadkii iyo dalkiiba burburiyey.

Farmaajo iyo Kheyre maanta laga sugi mayo doorasho aan maamuleyno ayaan qabaneynaa, taasoo ku dhacda wakhtigeedii wakhti aan ahayn oo sii dheereysa wakhti xileedkooda. Sidoo kale laga sugi mayo waxaan sameyneynaa isbedel xukuumadeed oo ay qeyb ka yihiin mucaaradka, taasoo wakhtigii ku haboonaa la soo dhaafay. Hadda iyo dan, waxaa Farmaajo iyo Kheyre laga sugayaa iney wada dhameystaan wakhtiga uga dhiman xilalkooda, wixii markaas ka dambeeyana ay siyaasiyiinta kale ula sinaadaan doorashada ka madaxbanaan awooda maamulkooda, haddii taas la waayo gudiga doorashada madaxa banaan heli mayaan fursad la siiyo ragaas oo weli madax ah,.

Kheyre iyo Farmaajo waxey ka tegi la’ yihiin qorsho beeneedka ay muxaafadkooda ugu qoondeeyeen 329 kursi ee labada aqal oo weliba ay u sii dheer tahay codsiyo ugu maqan 13 kursi oo la siiyey gobolka Banadir oo ay abaabulayaan shirarkii lagu kala iibsan lahaa kuraastaas.

Isku ekaa talo xumada Marxuum Siyaad Barre iyo Madaxweyne Farmaajo oo labaduba ay daaha gadaashiisa ka maamulanayeen beenlowyaal ah faalalow oo ku daaban dano iyo fikrado dalal shisheeye oo burbur dowladnimo uu yahay yoolkooda ugu dambeeya.

Sidoo kale isku ekaa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo jabhadihii falaagada ahaa oo awoodoodu ku jirtey cududa qabiiladooda. Nin odey ah ayaa ii sheegay in iyagoo koox odeyaal ah ay mar kale isku dayeen Mudane Cali Mahdi oo bedeley MSB iney talo siiyaan oo lahaanshaha xukunka dib loogu soo celiyo heshiis wadareed ay Soomaali oo dhan  wada leeyihiin.

Jawaabtii Cali Mahdi waxey noqotay mid ka liidata jawaabtii MSB, wuxuuna odeyaashii ku yiri; Waad ku mahadsan tihiin dadaalkiinii aad igu soo doorateen iyo mida aad hadda wadaan talooyinkooda, laakiin waxaan idiin sheegayaa in talada aan la dhex fadhiistay tolkeyga oo difaac iyo maalgelinba ila garab taagan, taasna uu go’aankeeda u qaatay kadib marka uu taakuleyn ka waayey gudaha iyo dibedaba, xilkiina lagu cidleeyey oo lagu colaadiyey. Cali Mahdi wuxuu doorbiday inuu noqdo gacan ku dhiigle sida hogaamiyihii ka horeeyey oo laga waayey sidan waxba kuma socon karaane iska wareeji xilka oo Soomaali meel ay ku wada dhan tahay eed la’aan uga tag.

Talada haboon si aysan noo seegin, waxaan dhihi lahaa raga dhowranaya dhabano hayskooda, rajadu waxey maanta ku jirtaa ka miro dhalinta turxaan bixinta gudiga doorashooyinka madaxbanaan oo ay gudoomiye u tahay Marwo Xaliimo Ismacil (Xaliimo Yarey) oo Soomaalida fagaaro ay ku dhan tahay doorasho qof iyo coda xilka loogu kala qaato.

Waxaa Qoray: Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Maine. Texas, USA

Fiiro gaar ah: Qoraalkan kama turjumayo aragtida allbanaadir online, waa fekerka qoraaga ama siyaasiga ku saxiixan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriyaha Aljazeera ee Gaza oo wiil kale ku waayey duqeymaha Israel (Wararkii u dambeeyey)

Caydiid Ali

RW Khayre oo kormeeray xarumo Wasaaradeed iyo talisyo ciidan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xagee ku Dambeysay Amiiradii u dhalatay Imaaraadka ee baxsatay ?(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade