Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasan Shiikh & Guddoonka Aqalka Sare oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Guddoonka Aqalka Sare ee dalka ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore DF Somalia ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD Hassan Sheikh Mohamud .

Waxay iska waraysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo wadatashiyada quseeya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xisbiga UPD.

“Mudane Hassan Shiekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Guddoonka Aqalka Sare dedaalka ay ugu jiraan sidii loo heli lahaa watashi ballaaran oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa Xassan Shiikh Maxamuud uga mahadceliyey tageerada iyo talooyinka muhiimka ah ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Guddoonka aqalka sare ee dalka iyo madaxda DF ayaa waxaa mudooyinkan soo kala dhexgalay madmadow ku saabsan qaabka dowladu u wajahayso arrimaha doorashooyinka dalka iyo qodobo kale oo la isku maan dhaafay.

Dadka siyaasada Soomaaliya falanqeeya ayaa sheegaya in kulamada noocan ah ay u muuqan karaan isxulufeysi cusub oo dhexmaraya siyaasiyiinta mucaaradka iyo gudoonka aqalka sare, kaasoo sii fogeyn kara khilaafka aqalka sare iyo madaxda Dowlada oo aaminsan in Gudoomniye Cabdi Xaashi uu iyaga ka falaagoobay, kuna faraq xirtay mucaaradka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin qaliin looga sameeyey caloosha oo laga soo saaray Musaamiir & agab kale (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Rooble oo ka hor yimid heshiis uu galay Wasiirkiisa Batroolka & Macdanta

Caydiid Ali

Sargaal sare oo katirsanaa Milatariga Itoobiya oo la Sumeeyay iyo Abiy oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---