Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dowlada Qatar oo soo fara gelisay khilaafka ka taagan doorashooyinka Somalia?

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Somalia Mohamed Mursal Shiikh Abdirahmaan ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya danjire Hassan bin Hamza Asad

Safiirka ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha soo gaarsiiyay warqad tahniyad ah oo ku saabsaneyd hambalyadda maalmaha xurriyada Soomaaliya ee uu soo diray gudoomiyaha barlamaanka Dalka Qatar

Sidoo kale waxay ka wada hadleen labada dhinac mashaariicda dawladda Qatar ku taageerayso Dowladda Soomaaliya Dhinacyadda dhismooyinka iyo horumarinta sidii loo xoojin lahaa.

Arimaha kale ay ka wada hadleen labada mas’uul ayaa ah howlaha doorashooyinka Soomaaliya iyo halka ay marayaan maadaama kulamadii u dambeeyay Baarlamaanka ay yeesheen diiradda lagu saarayay hirgelinta doorashooyin ka dhaca Soomaaliya 2020-2021.

Dowlada Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carabta ee sida weyn u taageera DF Somalia, waxayna dalka ka wadaa mashaariic kala duwan oo ay ku baxaayeen boqolaal milyan oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan Daraawiishta Galmudug oo Dhoolotus soo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Yaa hortaagan Horumarka Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir (Runta ogow)

Cabdi Cade

Ganacsatada Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray Lacago looga qaado Dhismaha Wadooyinka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---