Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqalka Sare oo ka hor yimid qaraar dhowaan ka soo baxay Guddoomiye Mursal (Akhriso)

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Sharci-darro ka dhigay Qaraarkii uu soo saaray Guddoomiyaha golaha shacabka Somalia Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan.

Mursal ayaa Xeerkii metalaadda Gobolka Banaadir u bedelay Qaraar, una kala diray xukuumadda iyo labada Guddi ee dib u eegista Dastuurka.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiye Mursal 27-kii June 2020 oo ku socday Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya, Guddiga labada aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan dib u eegista Dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka, waxaana Xeerka metelaadda G/Banaadir looga dhigay Qaraar kasoo baxay Baarlamaanka Federaalka.

Qoraalka oo sidoo kale la ogeysiiyey Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu caddeeyay inuu dhaqan gelayo marka uu saxiixo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, iyadoo su’aalo sharci iyo shaki badan ka dhasheen sida guddoomiyaha Baarlamaanka arrintan u wajahay.

Haddaba Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sharci-darro baal marsan Dastuurka dalka ku tilmaamay qoraalkii ka soo baxay Guddoomiyaha Golasha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ee Qaraarkii Metelaadda G/Banaadir.

Qoraal uu soo saaray Guddomiyaha Aqalka Sare ayuu si weyn ugu caddeeyay kaalinta Aqalka Sare u taagan yahay Dastuuri ahaan iyo qeybta uu ku leeyahay ansixinta Shuruucda dalka, wuxuun been abuur ku tilmaamay xeerarka Doorashada ee uu sheegay in guddoonka Baarlamaanka uu wax ka bedel ku sameeyay.

Hoos ka akhriso qoraalka Gudoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray oo dhameystiran:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii Baydhabo & khasaare xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wax badan ka Ogow Rajada Xasan Sheekh ka qabo in Mar kale Madaxweyne dalka ka noqdo

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Dowladda hoose ee Xamar ha joojiso Qandaraasyada ay ku naasnuujiso qowleysatada”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---