Duqa cusub ee Magaalada Freiburg ee dalka Jarmalka Mr. Martin Horn ayaa la kulmay guuldaro nooc kale ah xili uu u dabaaldegayey doorasho uu kaga guuleystay duqii mudada dheer majaraha u hayay ka dib hardan culus oo siyaasadeed oo dhexmaray.
Waxaa duqa cusub weerar kusoo qaaday nin, kaas oo ilkaha ka jabiyay.
Mr. Horn oo 33 jir oo ahaa musharax madaxbanaan ayaa sidoo kale sanka laga jabiyay, ilkahana gacmaha loo saaray, waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka.
Duqii hore oo lagu magacaabo Dieter Salomon ayaa magaaladaas ka talinayay muddo 16 sano ah.
Magaaladan Freiburg oo ah meel ay jaamacadaha ku badan yihiin ayaa waxa dadka ku nool ay u badan yihiin kuwa da’ yar ah.
Booliiska ayaa baaraya ninka geystay weerarka isaga oo aanan la maagin.
Duqa cusub ayaa fariintiisa dadka ugu gudbiyay Facebook-ga, isaga oo taageerayaashiisa ka codsaday in aysan wax tallaabo ah ka qaadin ninka weerarka geystay.
Duqii hore ayaa walaac ka muujiyay weerarka loo geystay ninka badalay, wuxuuna u rajeeyay in uu soo reysto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com