Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Nicolas Berlanga oo arimo xasaasi ah kawada hadlay

Ra’iisul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Nicolad Berlanga ayaa looga hadlay arimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin qabsoomidda doorashada heer qaran, dibu-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta.

Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa hor dhigay Ra’isul Wasaare Kheyre in muhiim tahay in la qabto doorasho loo dhan yahay ayna raali kawada yihiin dhinacyada siyaasada Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa gacan ka geesanaya qabsoomida iyo taageerada doorashada Soomaaliya, waxaana midowga Yurub horey usoo dhaweeyeen labo nuuc doorasho ay soo bandhigeen guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa loo badinayaa in ay ka dib dhacdo xiligii horey loo qorsheeyay, waxaana siyaasiyiinta mucaardaka shaki badan ka qabaan in mudo kororsi daacsan yihiin Madaxda dowlada hogaamisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo hawada ka saartay Mid ka mid ah TV-yada Soomaalida & Xog ku aadan sababta

Caydiid Ali

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo Faraska Nabada Gudoonsiiyay R/W Rooble (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Sh/hoose oo dhaliilay booqashada Farmaajo ku tegay Magaalada Marko

Caydiid Ali
Taboola Ads ---