Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo baxayay warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in mudo kororsi dadban sameeyo sidoo kale qanciyo Madasha Xisbiyada Qaran oo ugu tun weyn mucaaradka hada jira.
Wararka ayaana sheegayay in Madaxtooyada damacsan tahay in Xukuumada hada jirta isbadal lagu sameeyo si loogu qanciyo Siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran.
Qorshahan ayaana la sheegay in garwadeyn ka yihiin Gudoonka Golaha Shacabka gaar ahaan Gudoomiyaha Baarlmaaanka Maxamed Mursal iyo kuxigeenkisa koobaad Muudey oo marar badan kulamo la qaatay Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Gudoonka golaha shacabka oo mudo xiloodkoodu ka harsan yahay afar bil kaliya hada ku mashquulsan yihiin mudo kororsi iyo in la bedelo xiligan xukuumada hada jirta.
”Mursal iyo Muudeey muddo xiloodkooda 4 bil oo keli ah ayaa ka harsan. Halkii uu waqti kaga lumi lahaa muddo kororsi iyo in xiligan xukuumad la bedelo, waxaa u haboon in ay waqtigooda geliyaan sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo si nabad ah xiligeeda ku dhacda. Haddii ay kaalintooda gabaan, cid kale ayaa kol aan dheerayn buuxin doonta” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Qorshahan ay garwadeynka ka yihiin gudoonka golaha shacabka ayaa imaanaya xili mudo xileedka dowlada hada jirta gabo gabo yahay ayna socdaan qorshe Madaxtooyada ku dooneyso mudo kororsi dadban.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com