Wararka ka imaanaya deegaanka Godinlabe ee hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in baadiyaha deegaankaasi laga helay meydka gabar yar oo la la’aa mudo labo isbuuc ah.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in la heley meydka gabadhan yar oo la gowracay lagana xir xiray gacmaha iyo lugaha, waxaana meydka gabadhan oo 11-sano jir aheyd lagu dhax riday geedo dhaxdood.
Gabadha la dilay oo lagu magacaabayay Caa’isho Maxamed Shanley, ayaa la nooleyd ayeeyadeed oo degneyd baadiyaha Godinlabe, waxaana gabadhan warkeeda la waayay mudo 15-cisho kahor inta aanan meydkeeda la helin.
Ehelada gabdhan ayaa sheegay in rag dhagax qodanayay usoo uray meydka gabadhan yar kadib markii ay raadiyeena ay geedo dhaxdooda ku arkeen gabadha oo la gowracay lagana xiray gacmaha iyo lugaha.
Ciidamada booliiska Galmudug oo gaaray goobta laga helay meydka gabadhan yar ayaa bilaabay baaritaano ku aadan dilka arxan darada ah ee loo geestay gabadhan yar iyo sababta keentay iyo cidii ka dambeesay.
Dilkan ka dhacay banaanka deegaanka Godinlabe ayaa aad looga hadal hayaa deegaankaasi, waxaana dadka deegaanka isla dhax marayaan warar kala duwan oo ku aadan cida lagu tuhmayo dilka gabadhaasi yar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com