Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Maamul goboleedyada oo kaligood shir yeelanaya iyo halka uu ka dhacayo oo…

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ay isugu imaanayaan shir aysan qeyb ka aheyn Madaxda dowlada federaalka si ay uga arinsadaan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Khilaafka dowlada iyo maamulada qaar iyo arimo kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay in telfoon kuwada xiriireen ayna isla garteen in shir deg deg ah isugu yimaadaan si kaligood uga wada arinsadaan xaaladaha murugsan ee hada taagan.

Sida aan wararka ku helnay shirkan ayaa la filayaa in 8-da bishan ka dhaco magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ,waxaana shirkan qeyb ka noqon doonin Madaxda sare ee dowlada federaalka.

Qaban qaabada shirkan cusub ay isugu imaanayaan Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa timid kadib markii uu fashilmay shir uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada oo la filayay in shalay furmo.

Kulanka Madaxda maamul goboleedyada kadib ayaa la filayaa in ay soo saaraan War Murtiyeed wadajir ah ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan tan doorashada oo khilafa xoogan ka jiro nuuca doorasho ee dhaceysa iyo waliba waqtiga.

Related posts

Wasiirro xilalka ka qaadaya Agaasimayaal Guud iyo Dagaal Siyaasadeed bilowday

Cabdi Cade

Norwey oo Taageero muhiim ah u Ballanqaaday Baarlamaanka Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay hogaamiyaha RSF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---