Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni Oo Joojiyey dhismeyaasha iyo deegaameynta dhul kuyaala Puntland .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegto Lr. 03 kuna saabsan Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Ku: ​Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.
Ku: ​Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada
Ku: ​Wasaradda Amniga iyo DDR
Ku: ​Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
Ku: ​Taliyaha Ciidanka Booliska

Ujeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland.

Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.

Wareegtadan ayaa dhaqangelaysa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay

 

Related posts

Xulalka France iyo Croatia yaa ku guuleesan doona Koobka Aduunka ?

Cabdi Cade

Masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland oo kormeeray xero ay ka baxeen ciidamada Itoobiya (Sawirro)

Cabdi Cade

Garoonka cusub ee dayuuradaha Garowe oo si casri ah loo qalabeeyey & C/wali Gaas oo kormeeray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali