Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey) ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaashii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa wada tashiga Arrimaha doorashooyinka soo socda ee dalka iyo sidii isfaham looga gaari lahaa sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay guddoonka baarlamanka Somalia.
Kulankan oo goor dhow soo gabagaboobay ayaa ahaa kii ugu waqtiga dheeraa ee dhexmara labada dhinac, isagoo qaatay ku dhowaad shan saacadood sida ay allbanaadir online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Labada dhinac kama hadlin natiijada ka soo baxday kulankooda balse wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal iyo Muudey oo Madaxweynaha wakiilka ka ahaa ay kala hadleen Madaxweynayaashi hore arrimo kala duwan oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka, sida doorashada iyo in la bilaabo jawi is faham leh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com